Xukuumada Kuwait oo is-casishay xili mooshin laga keenay

Published: April 6, 2022

Golaha Wasiirada Kuwait ayaa Salaasadii shalay iscasilaadooda u gudbiyey Amiirka Kuwait Sheikh Meshal al-Ahmad al-Sabah, xili lagu waday in maanta oo Arbaca ah xukuumada loo qaado codka kalsoonida.

Raysalwasaaraha xukuumada Sheikh Sabah al-Khalid oo isagu laftiisa kamid ah qoyska boqortooyada dalkaasi ayaa muddo dheer caqabado kala kulmayey Baarlamaanka cusub ee Kuwait oo awood loo siiyey inay ansixin karaan ama joojin karaan xukuumada Raysalwasaaraha soo dhisay.

Golaha Wasiirada ee xilka iska casilay ayaa ah xukuumadii 3aad oo lasoo dhiso sanadkii tagay ee 2021, waxaana Golahaasi lasoo magacaabay bishii December.

Baarlamaanka ayaa si weyn ugu dhaliilayey xukuumadaha lasoo dhisay arrimo la ariira musuq maasuq iyo hoos u dhaca dhaqaalaha dalkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *