Laftagareen: ” Ma aqbalayno Isbaaro iyo baad siyaasadeed” – (DAAWO)

Published: April 7, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ku eedeeyey Raysal Wasaare Rooble inuu Isbaaro u dhigtay Xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in shuruudo dhowr ah lagu xiray kuraas Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay ka hakiyeen Koonfur Galbeed, isla markaana wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin shuruudaha lagu xiray kuraasta la hakiyey.

” Waxaan dareensanahay, waxyaalaha marka aan hadalno naloo sheegaayo, waxyaalaha nalaga rabo oo shuruudo leh oo kamid tahay hebel xildhibaan maka dhigaysaan waa kuu daynaynaa kuwa kale, anagaa inta kuu taagan ma yeelayno la leeyahay waaye waxyaalaha aan diidanahay…..marka maanta oo 2022 la joogo Soomaaliyana marxaladan marayso ma aqbalayno in isbaaro iyo baad siyaasadeed nalagu sameeyo…..20 jirkeygii ayaa diidey oo ka hor imid isbaaro qori wadato, maanta anigoo 50 jir ah oo la joogo 2022 ahayna Madaxweynaha KG wallaahi aanan aqbaleynin”

Madaxweyne Laftagareen

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *