Madaxweynaha Yemen oo xilka ka qaaday ku xigeenkiisii, kuna wareejiyay awoodihii Gole Qaran

Published: April 7, 2022

Madaxweynaha Yemen ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah in uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii Cali Mohsen al-Ahmar, waxaana uu awoodiisa u wakiishay gole Qaran oo fulin doona waajibaadka hoggaaminta dalka.

Golahan cusub ayaa la wareegi doona awooda xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Golaha cusub ayaa dowladda Yemen u fulin doona waajibaadka siyaasadeed, militari iyo amni inta lagu guda jiro “Xilliga Kumeel gaarka ah”.

Go’aanka Hadi ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday si waafaqsan heshiiskii awood wareejinta ee 2011-kii oo ay hindiseen lixda dal ee golaha iskaashiga Khaliijka (GCC) kadib mudaaharaadyadii looga soo horjeeday dowladda iyo qalalaasihii siyaasadeed ee isu bedalay dagaalka sokeeye.

Hadi ayaa la doortay 2012 ka dib kacdoonkii 2011, waxaana loo xilsaaray ilaa laba sano inuu si kumeel gaar ah u qabto xilka. Laakiin dhamaadkii 2014, ayey kooxda Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran qabsatay caasimadda Sanca, taasi oo ku khasabtay in xukuumada u qaxdo magaalada Cadan kadibna dalka Sacuudiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *