Madaxweynihii hore ee Burkina Faso oo loo xukumay dilkii hogaamiyhii caanka ahaa ee Sankara

Published: April 7, 2022

Madaxweynihii hore ee Burkina Faso Blaise Compaore ayaa isaga oo maqan lagu xukumay xabsi daa’in, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii 1987-dii loo geystay hogaamiyhii kacaanka dalkaas ee Thomas Sankara.

Maxkamadda militariga ayaa Arbacadii xukuntay Madaxweynihii hore Compaore, iyadoo kiiskan ahaa mid saameyn weyn ku lahaa Galbeedka qaarada Afrika.

Sankara waxa uu ahaa 33 jir markii uu xukunka qabtay 1983-kii, isaga oo kacdoonkiisa ku sheegay inuu “maskaxda Afrikaanka ah ka goyn doono gumeysigii soo maray” waxaana weli jira dad si weyn u taageersanaa kacdoonkaas oo ku sugan wadamo badan oo Afrikaan ah.

Waxaa Sankara la dilay 15kii Oktoobar 1987, markii isaga iyo 12 saaxiibbadiis ah ay toogteen koox askar ah xili ay ku sugnaayeen shir ka dhacayey aqalka Madaxtooyada ee Ouagadougou.

Dilkaasi waxaa xigay afgemiga uu xilka kula wareegay Blaise Compaore oo lagu eedeeyey inuu soo abaabulay dilkii Sankara.

Arbacadii shalay, ayey maxkamada gaarka ah ee militariga ku xukuntay Compaoré iyo Taliyihii hore Hyacinthe Kafando, xabsi daa’in. Labada nin ayaa la maxkamadeeyay iyagoo maqan.

Compaoré waxaa xukunka looga tuuray kacdoon dadweyne sanadkii 2014-kii, wuxuuna tan iyo xilligaas musaafuris ugu noolaa dalka ay jaarka yihiin ee Ivory Coast.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *