SUDAN: Mudaharaadyo looga soo horjeedo maamulka militariga

Published: April 7, 2022

Dibad-baxayaal Suudaani ah ayaa la dilay Arbacadii iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan afgambigii milateriga ee sannadkii hore oo lagu soo beegay xuska sannad-guuradii 3aad ee kasoo wareegtay kacdoonkii shacabka ee xukunka looga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashiir.

Ugu yaraan sadex qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ciidamada dileen, waxaana la rumeysan yahay in ka badan boqol qof ku dhinteen banaanbaxyada ka dhanka ah afgembigii militariga ee 25-kii October ee uu hogaaminayay taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan.

Ciidamada ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibadbaxayaasha ku sugnaa caasimadda Khartoum iyo magaalooyinka kale sida; Omdurman iyo Wad Madani.

Ciidamada ammaanka ayaa goor sii horeysay xiray buundooyinka muhiimka ah, waxaana ciidamo la dhigay hareeraha madaxtooyada iyo xarumaha militariga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *