Madaxweynaha Galmudug oo Baydhabo u tegey xalka doorashada -VIDEO

Published: April 8, 2022
Madaxweynaha gal mudug qoorqoor iyo Laftagareen
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis laftagareen oo soo dhaweeyey Axmed Cabdi Kaariye qoor-qoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmud Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa maanta oo Jimce ah gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Safarka Qoorqoor oo ay ku wheliyeen mudanayaal dhawaan loo soo xulay labada Aqal ayaa daaran sidii xal loogu heli lahaa kuraasta afarta ah ee raysalwasaare Rooble ku dheggan yahay sida uu sheegay Cabdicasiis Laftragareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed ayaa maalintii shalay ee Khamiista ku eedeeyey raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu afduubtey guddigii doorashada ee FEIT kala qaybiyey kadibna saddex xubnood oo keliya kala soo harey, waxaana uu si gaar ah u beegsanaayaa Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in ay Koonfur Galbeed ka raaligalinayaan tabasho kasta oo uga yimi arrimaha doorashooyinka kasoo gaaray, wuxu sheegay in uu u tagay Baydhabo xalinta arrimaha wax kaqabashada u baahan ayna xalin doonaan.

Qoorqoor ayaa lagu wadaa safarka Baydhabo kadib in uu yimaado Muqdisho oo uu la hadlo Rooble.

Beesha caalamka ayaa dalbanaysa in degdeg xal looga gaaro kuraasta afarta ah, lana dedejiyo doorashada Garbahaarey, si xildhibaanada loo dhaariyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *