PAKISTAN: Maxkamada Sare oo dib usoo celisay Mooshinkii laga keenay Raysalwasaare Khan

Published: April 8, 2022

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa wajahaya caqabadii ugu weyneyd ee waayihiisa siyaasadeed kadib markii maxkamada sare ee Pakistan ay xukuntay in isku daygii Ra’iisul wasaaraha ee joojinta mooshinka laga keenay iyo kala dirida Baarlamaanka uu ahaa mid aan dastuuri ahayn.

Xukunka Maxkamada, oo lagu dhawaaqay goor dambe oo fiidnimadii Khamiista, ayaa la filayaa inay sababto in Baarlamaanka maalinta Sabtida berri ah codka kalsoonida u qaado Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa xilka soo heysay 4ta sano.

Go’aanka maxkamada ayaa soo afjaray xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay kala diridii Baarlamaanka iyo laalida mooshinkii laga keenay RW.Khan oo ku dhawaaqay doorashooyin cusub.

Imran Khan wuxuu ku eedeeyay mucaaridkiisa inay maleegayeen shirqool uu Mareykanku horkacayo si xilka looga xayuubiyo maadaam uu isagu taageero u hayo Ruushka.

Maraykanka iyo hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa si adag u beeniyay eedeynta Imran Khan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *