UKRAINE: 50 qof oo ku dhintay duqeyn Ruushka la beegsaday Xarun laga raaco tareenada

Published: April 8, 2022

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay oo ay ku jiraan carruur, in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen gantaallo Ruushku ku garaacay xarun tareenada oo ku taal magaalada Kramatorsk ee bariga Ukraine maanta oo Jimce ah.

Goobtaasi ayey ku sugnaayeen boqolaal dad rayid ah oo doonayey inay ka qaxaan magaalada duqeynta ka dhacday.

Ruushka oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamadiisa kala baxayey gobalada waqooyi iyo nawaaxiga caasimada Kyiv ayaa hada dardar geliyey duqeynta ay ku hayaan gobalada bariga wadanka Ukraine.

Dowlada Ukraine ayaa todobaadkan shacabkeeda ugu baaqday inay isaga baxaan magaalooyinka saaran jiida hore ee dagaalka ka socda gobalada Bariga iyagoo ka digayey in Ruushka qorsheenayo inuu sare u qaado duqeynta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *