USA: Senate-ka oo ansixiyey haweenaydii ugu horeysay ee Madow oo garsoore ka noqota Maxkamada Sare

Published: April 8, 2022

Aqalka Sare ee Senate-ka Maraykanka ayaa khamiistii ugu danbeyn ansixiyey Ketanji Brown Jackson oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah oo ka mid noqota maxkamadda sare ee Mareykanka.

Ansixintan ayaa guul u ah Madaxweyne Joe Biden, oo horey u sameeyay ballan-qaad uu ololaha doorashada ku galay isaga oo doonaya inuu isbedal taariikhi ah ku sameeyo garsoorka dalkaasi.

Haweenaydan oo ah 51-sano jir ayaa xilka loo magacaabay ee Garsooraha Maxkamada Sare heyn doontaa inta ay nooshahay.

Codbixinta Senatorada ayaa ahayd 53-47, iyadoo seddex senator oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga ay taageereen ansixintan, halka inta kale kasoo horjeesteen.

Seddexda xildhibaan ee Jamhuuriga ka tirsan ayaa kala ahaa Susan Collins, Lisa Murkowski iyo Mitt Romney, kuwaasi oo codkooda ku biiriyey senatorada Dimuqraadiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *