Ciidamada Danab Oo Hawgalo Ka Fuliyey Gobolka Jubbada Hoose

Published: April 9, 2022

Ciidanka xooggga dalka, ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgal ballaaran oo lagu ciribtirayo maleeshayada  Al-shabaab ka fuliyay deegaanada xeebaha dhaca ee gobolka Jubbada Hoose.

Deeganadan sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay ayaa kala ah, Bernaasi, Cusbo, Bernaa, Istanbuul ,Jaamac Caraale iyo Kooyaamo, waxaana howlgalku intuu Socday Ciidanku ay cagta mariyeen goobo ay gabaad Ka dhiganayeen kooxaha Nabad-diidka ah ee Al-shabaab

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalka ka dhanka ah argagixisada inta laga ciribtiro lana soo afjarayo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *