Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Doorashada Kuraasta Gobolka Gedo

Published: April 11, 2022

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Xildhibaanada laga soo doortay Jubaland ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kuraasta dhiman ee Gobolka Gedo iyaguna dhawaan lasoo dooran doono isla markana matalaad la’aan ayna noqon karin dadka ree Jubaland ee gobolkaas ku nool.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in ayna macquul ahayn doonista qaar kamid ah beesha caalamka ee raba in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ay kala qeybsadaan Xildhibaanada kasoo baxaya Gobolka isla markana dadka matalaada iska leh ee deegaankaas kasoo jeeda ay iyagu soo dooran doonan dadka ku matalaya Baarlamaabka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubaland ay joogaan isla markana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arintaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo iyadoo la kaashanayo xildhibaanada kale ee kasoo baxay qeybaha kale ee dalka.

Madaxweynahu wuxuu xusay in Jubaland ay dhibaato adag kala kulantay Maamulka Wali Sida sharci darada ah talada ku jooga loona baahan yahay in si wadajir ah xaaladan qalafsan dalka looga saaro gaar ahaan amaan xumada iyo burburka uu dalku qarka u saaran yahay.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay hada tahay meel aan la kala saari Karin Hay’adaha amniga Dowlada iyo Al-shabaab isla markana ay si weyn iskugu milmeen loona baahan yahay in Xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Baarlamaanku uu yahay hay’ada hooyada u ah dhamaan hay’adaha kale ee Dowlada balse ay nasiib daro tahay in Baarlamaanku uu shaqooyinkiisa u daba fadhiisto NISA isla markana ay garan waayan waajibkii dalka ka saara shantii sano ee lasoo dhaafay.

Ugu danbayntii Madaxweynahu wuxuu sheegay in si guud dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Cusuba ay saaran tahay masuuliyad weyn oo la xiriirta samata bixinta dalka.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Labada Madaxweyne ku xigeen iyo gudoonka Baarlamaanka Jubaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *