PAKISTAN: Baarlamaanka oo magacaabaya Raysalwasaare Cusub kadib xil ka qaadistii Imran Khan

Published: April 11, 2022

Kalfadhiga Baarlamaanka ee lagu dooranayo Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa billowday, iyadoo hoggaamiyaha mucaaradka Shehbaz Sharif uu yahay qofka ugu cadcad inuu ku guuleysto ka dib qalalaasihii dastuuriga ahaa ee sabtidii xilka looga tuuray Imran Khan.

Ra’iisul Wasaarihii hore Imran Khan ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay taariikhda dalkaasi ee lumiya codka kalsoonida Baarlamaanka. Khan ayaa ku fashilay isku-daygiisii uu ku horjoogsan lahaa mooshinka laga keenay kadib markii Maxkamada Sare ka diiday kala dirista Baarlamaanka.

Musharaxa ugu horeeya tartanka hada socda ayaa ah Shehbaz Sharif, oo ka tirsan hogaanka mucaarad, waana siyaasi caan ah oo la dhashay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Nawaz Sharif.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *