Taliyihii Ciidamada Ruushka ee Siiriya oo loo magacaabay hogaanka dagaalka Ukraine

Published: April 11, 2022

Ruushka ayaa taliye cusub u magacaabay howlgallada ay ka wadaan dalka Ukraine, xilli ay dib u xoojinayaan duulaanka ay ka wadaan bariga wadankaas, iyagoo ku guuldareystay inay hareerayaan caasimadda Ukraine ee Kyiv.

General Alexander Dvornikov, ayaa hadda hogaamin doona ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka ee reer galbeedka iyo diblumaasiyiinta la socda isbedelka.

Madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka ayaan weli shaacin isbedalka lagu sameeyey hogaanka ciidanka Ruushka.

Dvornikov, oo 60 jir ah, ayaa dhowr jagooyin sare ka soo qabtay millatariga Ruushka, oo uu ku jiro taliyaha ciidanka ee Aaga Bariga Fog.

Wuxuuna ahaa Taliyaha ay si toos ah u hoostagaan ciidamada Ruushka ee ku sugan dalka Suuriya 2015 iyo 2016, halkaas oo ay ka barbar dagaallameen ciidamada dawladda Bashaar al-Assad oo lagu eedeeyay inuu u adeegsaday hubka kiimikada ah dadkiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *