Ururada Mideeye iyo Sincad oo ku guuleystay doorashadii Guddoonka Degmada Qardho

Published: April 11, 2022

Degmada Qardho oo kamid ahayd 3dii degmo oo ay ka dhacday doorashado cod iyo Qof oo ay shacabka kusoo doorteen Golaha Deegaanka ayaa maanta lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka.

Musharaxa ururka Mideeye Cabdulqaadir Cabdi Siciid QAAL, ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha degmadda Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Cabduqaadir Qaal ayaa helay 20 cod oo kamid 33 Xildhibaan ee golaha degaanka.

Guddoomiye kuxigeenka Degmada Qardho ayaa isaguna loo doortay Maxamed Cabdulahi Siciid oo ka tirsan ururka Sinaan iyo Cadaalad (Sincad).

Ururadda Mideeye iyo Sincad oo iyagu sameystay isbaheysi ayaa horey ugu soo guuleystay sidan oo kale doorashadii guddoonka degmada Ufeyn (Bari) iyagoo meesha ka saaray ururka Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ee KAAH.

Degmada Eyl ee gobalka Nugaal ayaa hartay doorashada guddoonka iyadoo xiisad in muddo ah ka taagneyd in Xildhibaanada cusub ee lasoo doortay ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *