Shehbaz Sharif oo loo doortay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Pakistan

Published: April 12, 2022

Shariif ayaa baarlamaanka u doortay ra’iisul wasaare kaddib markii xilka laga qaaday Imran Khan oo codka kalsoonida ah loo qaaday Sabtidii lasoo dhaafay.

Ka hor codeynta Isniintii, xildhibaano ka tirsan xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa si guud isu casilay, iyagoo qaadacay doorashada Sharif oo la dhashay Ra’iisul Wasaarihii hore Nawaz Sharif.

Sheekh Shariif ayaa khudbadii ugu horeysay ku dhawaaqay in la kordhinayo mushaaraadka, lacagta dadka hawlgabka ah iyo mushaarka ugu yar ee shaqaalaha.

Shariif ayaa ka hadlay fashilka ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda waqtigeedu dhammaaday, wuxuuna sheegay inuu dardargelin doono mashruuca balaayiin dollar ee Shiinaha Pakistan Economic Corridor (CPEC) iyo dib u soo celinta xiriirka go’ay ee saaxiibada iyo xulafadii hore ee Pakistan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *