Wefdigii Galudug ee Baydhabo ku sugnaa oo Muqdisho dib ugu laabtey

Published: April 12, 2022

Waxaa maanta magalada Muqdisho dib ugu soo laabtey qar kamid ah wefdigii uu hoggaaminaayey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor oo muddo afar maalmood ah ku sugnaa magaalada Baydhabo, wada-hadalna la lahaa maamulka Koonfur Galbeed ee qaadacay ka qaybgalka qaadashada shahaadooyinka Xildhibaanada, kadib markii FEIT iyo xafiiska raysalwasaaraha ay beegsadeen afar xildhibaan oo kamid ah kuwii ku soo baxay doorshadii dadbaneyd.

“Muqdisho ayaan ku soo laabanay galabta si aan u dhammeystirno turxaanbixinta tabashada reer KG ee maalmahaan aan u joognay magaalada Baydhabo. Aad ayaan ugu mahadcelinaynaa M adaxweyne Cabdicasiis, Xildhibaanada iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ay noo sameeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xal u helida arimaha taagan ee la xariira dhamaystirka doorashada” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook.

Waxaa lagu wadaa in ay kulan la qaataan Guddoomiyaha FEIT iyo Raysalwasaare Rooble si go’aan looga soo saaro xildhibaanada la xanbey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *