Guddiga FEIT oo lagu wado inay booqdaan Baydhabo

Published: April 13, 2022

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, si xal looga gaadho tabashada Maamulkaasi.

Xubnaha Guddiga ayaa lagu wadaa in ay kulama la qataan Madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed & Odayaasha Dhaqanka six xal looga gaaro saddexda kursi ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo uu guddiga xanibay.

Tan iyo markii Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen 3da kursi oo kamid ah kuraasta laga soo doortay Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed waxa uu maamulka ka horyimid go’aankaas, iyadoo aysan wali inta badan xildhibaannada Koonfur Galbeed aysan qaadan Shahaadad xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiga Doorashada ayaa qorsheenaya in maalinta berri ah 14ka Abriil ay dhaariyaan xildhibaanada qaatay shahaadada oo kor udhaafay 200 xildhibaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *