Ukraine oo dooneysa inay siyaasi taageersan Putin ku bedalato maxaabiis laga qabsaday

Published: April 13, 2022

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa maanta oo Arbaca ah shaaciyey inay diyaar u yihiin inay Ruushka ku wareejiyaan hogaamiyaha xisbi Mucaaridka Ukraine oo ka tirsan taageerayaasha Putin, isagoo doonaya in ninka ay ku bedashaan maxaabiista uu Ruushka gacanta ku dhigay.

Siyaasiga taageersan Ruushka Viktor Medvedchuk ayaa la xiray Talaadadii, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa qofka ay doonayaan Ruushka inay u dhiibaan dowlada Ukraine hadii ay xukunka ka tuuraan Xukuumada uu hogaamiyo Zelenskyy.

Viktor Medvedchuk oo ah maalqabeen si weyn ugu dhaw Madaxweynaha Ruushka Putin, ayaa tan iyo sanadkii lasoo dhaafay ku jiray Xabsi guri, balse wuxuu baxsaday sadex maalin kadib markii Ruushka duulaanka kusoo qaaday Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *