USA: Baadi-goobka nin weerar ka geystay magaalada New York

Published: April 13, 2022

Baadi-goob ballaaran ayaa ka socda magaalada New York kadib weerarkii Salaasadii shalay kadhacay tareenada dhulka hoos mara, weerarkaasi oo ay ku dhaawacmeen 23 qof.

Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu soo gashaday maaskarada gaaska wuxuuna bambada qiiqa iyo rasaas ku furay rakaabkii saarnaa tareenka. Wuxuuna goobta ka baxsaday kahor inta ay halkaasi gaarin ciidamada amaanka.

Booliisku waxay sheegeen in weerarkan ka dhacay xaafada Brooklyn uusan ahayn fal argagixisanimo, iyadoo aysan jirin wax caddaynaya ujeeddada weerarkan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *