Guddoomiyaha FEIT oo fasaxay laba kursi afartii lagu dhegganaa

Published: April 14, 2022
Guddoomiye Muuse Geele Faroole, Liibaan Shuluq iyo Xiis

Gudddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federeaal Muuse Geele Faroole ayaa caawa Baydhabo uga dhawaaqey in labada kursi ee tirsigoodu yahay GSH103 ee uu horey ugu fadhin jirey Jawaari iyo GSH204 la fasaxey, halka kursiga GSH054 ee Xildhibaan Sareedo loo doortey lagu celinaayo, sababtuna ahayd qofka la tartamey oo aan da’diisu gaarin 25 sano.

Kursiga GSH054 ayaa isla beri lagu dooranayaa mar kale Baydhabo, kaas oo isna ay ku soo bixi doonto isla Sareedo sida warar sheegayaan, inkasta oo maamulka Koonfur Galbeed aan wax war ah laga hayn.

Kursiga la aaminsan yahay in kuraastan lagu toosiyey ee Beledweyne loogu doortey Fahad Yaasiin Daahir ee GSH086 ayaan isaga la fasixin.

Maalinta berri ah waxaa loo ballansan yahay dhaarinta Xildhibaanada, haddii xildhibaanada la dhaariyo waxay horey u geli karaan shaqooyinkooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *