Maraykanka oo Ukraine siinaya $800 milyan oo taageero militari ah

Published: April 14, 2022

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Ukraine ee Zelnenskyy Arbacadii shalay inay ku taageerayaan $ 800 milyan oo ah deeq cusub oo ay ku jiraan; hubka-culus, rasaas, iyo gargaarka kale oo loogu talo galay in lagu difaaco Ukraine.

Milatariga Ukraine waxay u adeegsadeen hubka aan siineyno si wanaagsan. Maaddaama Ruushka uu isku diyaarinayo inuu sii xoojiyo weerarka ka dhaca gobolka Donabas, Mareykanka wuxuu sii wadi doonaa inuu taageerada siiyo Ukraine si ay u hesho awood ay isga difaacdo duulaanka” ayuu yiri, Biden oo khadka telefoonka kula hadlay Zelneskyy.

Xirmadan cusub ee deeqda hubka ah waxaa kamid ah madaafiicda, rasaasta madaafiicda, iyo gawaarida gaashaaman.

Biden wuxuu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono fududeynta wareejinta “hub badan” oo laga kala keenayo xulafadooda, sida diyaaradaha helikobtarka, ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *