UKRAINE: Markab dagaal oo uu Ruushka leeyahay oo duqeyn lala beegsaday

Published: April 14, 2022

Dowlada Ukraine ayaa sheegtay in gantaalaheeda khasaaro xoogleh u geysteen markab dagaal oo uu Ruushkha leeyahay oo lagu magacaabo ‘ Moskva ‘.

Ukraine ayaa sheeganeysa inay ku dhufatay markabkan ku sugnaa Badda Madow laba gantaal oo ah nooca (cruise missiles) oo dhaawac weyn u geystay markabkaasi oo la sheegay in askartii saarneyd laga daadgureenayo.

Ruushka ayaa xaqiijiyay in markabkan uu dhaawac soo gaaray lagana dajiyey naakhuuyadaashii iyo askartii saarnaa kadib markii uu dab qabsaday iyagoo intaas ku daray inay baarayaan waxa sababay dabkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *