Waa maxay shaqada u horreysa ee hortaala Xildhibaanada maanta la dhaariyey?

Published: April 14, 2022
Dhaarta Xildhibaanada Baarlamaanka
Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada golaha Shacabka

Waxaa maanta guul ku soo dhamaatey dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah, kadib dhaarta ayaa waxaa shir guddoon kumeel gaar ah loo doortey Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad) oo Golaha Shacabka u noqonaaya Guddoomiye, maadaama uu ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn iyo Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo Aqalka sare u noqonaaya guddoomiye kumeel-gaar ah.

Kulanka u horeeya ayaa dhici doona maalinta Sabtida ah ee 16 Abril, kaas oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaana uu ka dhacayaa xarunta Filla Hargeysa, kulankaas waxaa lagu dhaarin doonaa xildhibaanada ka baaqdey dhaartii maanta, kadib waxaa la dhisaya guddiga doorashada shir guddoonka golaha shacabka oo ka koobnaan doona 15 xubnood oo lagu soo xuley nidaamka isu dheelitirka beelaha.

Guddiga doorashada shirguddoonka golaha shacabka ayaa soo diyaarin doona habraaca doorashada guddoomiyaha golasha shacabka iyo labadiisa ku-xigeen.

Ilaa hadda ma muuqato wax isbeddel waxaana ay u badan tahay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku tartamaan Musharixiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxana ugu cadcad

  1. Sheekh Aadam madoobe
  2. Cali Siciid Fiqi
  3. Shariif Cabdalla
  4. Xassan Cabdinuur.

Marka la doorto shir-guddoonka Golaha shacabka, si buuxda ayaa dalka hay’adiisi sharci dejintu u dhisantey, waxaana meesha ka baxaya shaqadii ay isku haysteen xafiisyada wakhtigii dastuuriga ahaa ka dhamaadey, waxaana la guda gelayaa doorashada madaxweynaha oo lagu wado in ay dhacdo bisha May 2022.

Aqalka sare oo iyaguna ka kooban 54 Xildhibaan ayaa yeelanaya fadhigooda u horeeya maalinta Sabtida ah waxaana ay marayaan waddo lamid ah kan Golaha Shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *