Laftagareen oo gaaray Muqdisho

Published: April 19, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa Safar shaqo kuso gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada.

Magaalada Muqdisho ayey maanta soo gaareen hogaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug, sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa isaguna shalay tagay Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *