Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo soo gaaray muqdisho

Published: April 19, 2022

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana gegida diyuuradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xildhibaano katirsan labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin kala duwan kuwaas oo uu madaxwayne Kaariye gacan qaaday.

Madaxweynaha qoor-qoor waxaa ku wehliyay safar guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, xubno ka tirsan goleyaasha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Muqdisho ayey maanta soo gaareen hogaamiyayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa isaguna shalay tagay Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *