Baydhabo: Sareedo Maxamed oo ku guuleysatay kursiga HOP154 

Published: April 21, 2022

Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP154 oo ay ku tartameen Sareedo Maxamed Cabdala iyo Nasteexo Maxamed Yuusuf.

Waxaa kursigaas ku guuleysatay Sareedo Maxamed Cabdala ka dib markii murashaxii la tartamayay oo aheyd Nasteexo tanaasushay, sida uu shaaciyay guddiga maamulka doorashada.

Sareedo ayaa kurisgan ku fadhisay tan iyo 2004.

Guddiga doorashada heer federal ee FEIT ayaa diiday natiijada kursigan waxayna amreen in lagu celiyo doorashada kursigan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *