Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Gaalkacyo lagu weeraray

Published: April 21, 2022

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa fiiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Ciidamada Booliska Puntland ayaa weerar ku qaadey beerta nabadoon Yaasiin Cabdisamad ee ku taala banaanka Gaalkacyo, halkaas oo uu afur ugu sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdi-siciid Muuse Cali oo ay weheliyeen caruur uu dhalay oo Gaalkacyo u keenay fasax.

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa weerarka ka badbaadey, waxaase dhaawac culus soo gaarey nabadoon yaasiin Cabdisamad, oo ilaa hadda ku jira saalada qaliinka sida wararku sheegayaan ay xabaddu uga taalo xangulaha. Dhanka ciidanka Booliska waxaa ka dhaawacmey taliye ku-xigeenkii ciidanka Booliska gobolka Mudug, sidoo kale waxaa ku geeriyoodey wiil ka mid ah ciidanka amniga Puntland ee ahaa ilaalada Wasiirka.

Weerarkan waxa uu imaanayaa iyada oo Madaxweynaha Puntland ku sugan yahay magaalada Muqdisho isaga oo musharax Madaxweyne Soomaaliyeed ah.

Shan maalmood ka hor ayaa nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa shir uu ka qaybgalay, eedeyn u jeediyey Madaxweyne Deni oo ka codsadey haddii uu Muqdisho jeclaadey in Puntland aanu kilkisha ku sii qaadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *