Karaash: ” Falka Gaalkacyo cid kasta oo ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.”

Published: April 22, 2022

Madaxweyne, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay dhacdadii caawa lagu weeraray hoyga nabadoon Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Karaash ayaa sheegay inuu guddi baaris u saari doono dhacdadaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka akhriso:

” Waxaan ka tacsiyaynayaa shaqaadada ka dhacday caawa Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug.

Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah. Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *