Madaxweynaha Jubbaland Oo Gaaray Ceelwaaq

Published: April 22, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo maamulka Magaalada.

Waxaa Madaxweynahu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.

Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *