Madaxweynaha Jubbaland oo garoon diyaaradeed ka dhagax dhigay Ceelwaaq.

Published: April 22, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono.

May be an image of 12 people, people standing and outdoors

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhismaha golaha deegaanka Degmooyinka gobolka Gedo isla markana lagu bilaabi doono Degmada ceelwaaq.

Sidoo kale, waxaa uu xusay dhismaha golaha deegaanka ay daba socdaan mashaariicda iyo hormarinta adeegyada bulshada ee guud ahaan Gobolka Gedo.

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inay diyaar tahay Lacagta dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq isla markana dhawaan la xayaysiin doono qandaraaska dhismaha garoonka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *