Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban, Muuse Geele oo gaarey Ceelwaaq

Published: April 22, 2022

Guddoomiyaha guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada CeelWaaq, halkaas oo ah ka dhaceyso doorashada 16 kursi oo laga soo wareejiyay Garbahaarey.

Maalintii shalay ayaa Ceelwaaq waxaa gaarey ciidamo laga soo haarey magaalada Kismaayo si ay u ilaaliyaan doorashada muranka weyn ka taagan yahay ee Ceelwaaq loo wareejiyey.

Garbahaarey waxaa ku sugan qayb ka mid ah FEIT iyo guddiga xalinta khilaafaadka, si ay iyaguna ugu qabtaan 16 Kursi ee horey halkaas loogu qoondeeyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *