Deni “Waxaan soo jeedinaya in la adkeeyo amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan caasimadda”

Published: April 23, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ahna Musharrax Madaxweyne ee DFS, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Image

“Waxaan cambaareynayaa qaraxa ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. Alle ha u naxariisto dadkii ku geeriyooday, inta ku dhaawacantayna Alle ha u booga dhayo, Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tilmaamay in weerarada ceynkani oo kala ah ee lala beegsanayo dad aan waxba galabsan ay muujinayaan, sida uu cadowga u gumaadayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni ayaa ku baaqay in la adkeeyo amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan Magaalada Muqdisho, si looga feejignaado buu yiri weerarada noocaan oo kale ah.
Siciid Deni oo ah musharax u taagan jegada madaxtinimada ee Dowladda Federaalka ayaa tan iyo Talaadadii ku sugan Caasimadda Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *