Jubbaland oo soo gaba-gabeysay doorashada 16ka Kursi ee Ceelwaaq

Published: April 23, 2022

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo gaba-gabeysay maanta sabti ah doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad kuwaas oo kuraastii ugu dambeysay lagu doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Doorashada kursiga #HOP122 ayaa waxaa ku tartamay Mursal Maxamed Khaliif  iyo Cumar Muxumed Buulle, waxaana ku guuleeystay Mursal Maxamed Khalif, kadib markii uu u tanaasulay Cumar Muxumed, isagoona loogu coddeeyay qaab gacan taag ah.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP110 waxaa kusoo baxay Maxamed Muxumed Maxamed, kadib markii uu tartanka doorashada ka haray Musharaxii la tartami lahaa ee Khadar Axmed Adan, sida uu ku dhawaaqay Natiijada Guddiga doorashada Jubbaland.

Axmed Cismaan Ibraahim & Aadan Gaarane Cabdullaahi ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP131, waxaana sida ay guddigu shaaciyeen ku guulaystay Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP123 ayaa waxaa ku tartamay Musharax Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan & Musharax Xildhibaan Sacdiyo Cabdullaahi Shire, waxaana ugu dambayn ku guulaysatay Marwo Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan.

Kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ceelwaaq Hop125 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, kadib markii u tanaasulay Maxamed Adan Xasan oo la tartami lahaa Cabdirashiid Ducaale.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegatey in ay gebi ahaan soo gaba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana deegaan doorashada labaad ee Maamulkaas ee Magaalada Ceelwaaq inkasta oo ay khilaafsan tahay heshiiskii 17 sept 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *