Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq.

Published: April 23, 2022

Wafti uu hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

May be an image of 4 people, people standing and outdoors

Madaxweyne Kuxigeenka iyo wefdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Ceelwaaq kusoo dhoweeyey wasiirka amniga Jubbaland, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

May be an image of 7 people, people standing and outdoors

Ujeedka Safarka madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ah in uu ka qeyb galo xiraanka deegaan doorashada labaad ee Dowlad Goboleedkaas oo màanta shantii kursi ugu danbeeyey lagu dooranaayo Ceelwaaq.

Safarkan ayaa ku soo aadaya ,iyadoo shalay degmada Ceelwaaq uu tagay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goobjoog ahaa doorashada ka dhacday halkaasi, wuxuuna sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoonka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *