Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Karaash oo Guddi u magacaabay iska hor imaadkii Galkacyo

Published: April 24, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qoraal kooban soo saaray ayaa guddi ka kooban lix xubnood u xil-saaray weerarkii habeenkii Jimcaha ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo lagu beegsadey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdi-siciid Muuse Cali, waxaa ku dhaawacmey nabadoon Yaasiin Cabdisamad, iyo sarkaal kale, waxaana ku nafwaayey askeri kuwii ilaalineysey Wasiirka kamid ahaa.

Guddiga ayaa baaris iyo dabagal ku sameyn doono sida ay wax u dhaceen, maadaama la beegsaday Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ay ku jiraan Isin caan ka ahaa gobolkaas.

“Waxaan guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug,” ayuu yiri Karaash.

Xubnaha la magacaabay waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiir ku xigeenka Amniga ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan.

1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye

2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).

3: Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).

4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).

5: Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)

6: Asad Faarax Maxamed. (Xoghayn)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *