Doorashada Madaxweynaha Faransiiska: Codbixiyaasha oo u dareeray goobaha sanaadiikhdu yaalaan.

Published: April 24, 2022

Codbixiyayaasha Faransiiska ayaa codkooda dhiibanaya wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha. Waxay kala dooranayaan Madaxweynaha hadda xilka haya Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen oo xisbiga midigta fog ka tirsan.

Labaatan sano ka hor ayaa ugu danbeysey Madaxweyne Faransiis ah oo dib loo doorto, labada musharax ayaa aad isugu dhaw, marka la eego baaritaanada lagu ogaado sida codbixiyaashu ay codkooda u dhiibanayaan.

Doorashadan waxaa hareeyey dagaalada ka socda Qaarada Yurub, Sicir bararka iyo shaqo la’aanta.

Goobaha codbixinta ayaa la xirayaa 7-da fiidnimo inta badan dhul weynaha Faransiiska iyo 8-da fiidnimo ee magaalooyinka waaweyn. Qiyaasta natiijada iyadoo lagu salaynayo tirinta goobo codbixineed oo gaar ah oo loo doortay inay matalaan Faransiiska ayaa lagu dhawaaqi doonaa 8pm. Inkasta oo ay tahay qiyaas kaliya, haddana inta badan waa calaamad lagu kalsoonaan karo oo muujinaysa cidda guulaysatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *