Kursi maanta lagu dooranayo Magaalada Jowhar.

Published: April 24, 2022

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellah Dhexe waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in lagu qabto doorashada mid kamid ah afarta kursi ee ku harsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

May be an image of 2 people and people standing

Kursigan oo sumadiisu tahay HOP#009 ayaa waxaa tartan ku dhexmari doonaa musharixiinta kala ah Cabdisataar Cabdisalaan Sheekh Xassan Barsane oo kursiga horay ugu fadhiyay iyo Cali Xassan Ibraahim, iyadoo loo saadaalinayo inuu ku soo baxo Cabdisataar Cabdisalaan.

May be an image of 2 people and people standing

Dowlad Gobleedka Hirshabeelle markii laga reebo kursiga maanta la dooranayo waxaa ku harsan Saddex kursi oo ay ku kala fadhiyaan Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Amniga ee hadda Cabdullaahi Maxamed Nuur & Kursiga ay ka geeriyootay Marxuumad Aamino Maxamed Cabdi.

Hirshabelle ayaa isku dayeysa sidii ay kuraasta harsan deg deg ugu soo dhameystiri leheyd kahor 27-ka bishan oo loo balansan yahay iney qabsoonto doorashada gudoonka golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *