Macron oo mar kale loo doortay madaxtinnimada Faransiiska.

Published: April 25, 2022

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi, ka dib markii uu ka guuleystay haweeneyda Xisbiga Midigta Fog ee Marine Le Pen.

See the source image

Madaxweyne Macron ayaa helay oo ku guulaystay 58.55% ilaa 41.45%, waana xad ka weyn sidii la filayey.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegaysa in Macron uu haysto codadkii uu u baahnaa, inkastoo weli ay natiijooyinka coddeynta ka imaanayaan dalka oo dhan.

See the source image

Marine Le Pen oo ah musharaxa Xisbiga RN (Rassemblement National ama National Rally) ayaa heshay 41.8 boqolkiiba codadka, taasoo ah tii ugu sarreysay saddexdii tartan ee u dambeeyay, ee ay ku guul dareysatay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo Faransiiska.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *