Puntland: Karaash Oo Magacaabay Xilalkii Ugu Badnaa

Published: April 25, 2022

Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magacaabay xilalkii ugu badnaa kuwaas oo isugu jira agaasimayaal iyo agaasimayaal waaxeedyo.

Hoos ka akhriso:

Xeer Kusime Madaxweyne Lr 97, April 25, 2022 Magacaabid Agaasimayaal.

Kusimaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu Arkay:- Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 81-aad.

Markuu Arkay:- Baahida loo qabo dar-dargelinta Shaqada Hay’addaha dowliga ah.

Markuu Tixgeliyey:- Aqoonta, Kartida iyo Waayo-aragnimadooda.

Wuxuu u Magacaabay:-

1- Waxaa Axmed Shire Axmed (Garoon) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaarada Maaliyada dowlad Goboleedka Puntland.

2- Waxaa Maxamuud Maxamed Axmed (Gurungur) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowlad Goboleedka Puntland.

3- Waxaa Samsam Cabdiqafaar Maxamuud loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowlad Goboleedka Puntland

4- Waxaa Cabdirisaaq Maxamuud Faarax loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee dowlad Goboleedka Puntland.

5- Waxaa Farxiya Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta  ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada ee dowlad Goboleedka Puntland.

6- Waxaa Cabdiwaduud  Yuusuf Faarax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wakaalada Tamarta dowlad Goboleedka Puntland.

7- Waxaa Cabdulqaadir Siciid Guureeye loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka, Quudinta, iyo Xaaladaha deg-dega ah ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad Goboleedka Puntland.

8-Waxaa Cabdirabi Maxamed Axmed Bootaan loo magaacabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah  dowlad Goboleedka Puntland.

9- Waxaa Liibaan Cismaan Siciid loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Puntland

10- Waxaa Samiiro Cabdulqaadir Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Puntland.

11- Waxaa Axmed Ibraahim Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta iyo Tababarada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

12- Waxaa Mukhtaar Cabdi Ibraahim (Fariiq) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga iyo Xiriirka ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

13- Waxaa Bashiir Maxamuud Yuusuf (Dhaashane) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

14- Waxaa Siciid Ismaaciil Weyrax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kobcinta Kartida iyo Xirfadaha ee Machadka Tababarada  Shaqaalaha Rayidka ah ee dowlad Goboleedka Puntland 15- Waxaa Abuubakar Nuur Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

16- Waxaa Farxiya Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maaraynta Xogta Biyaha ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.

17- Waxaa Maxamed Nuur Nageeye loo magacaabay Agaasimaha Maaraynta Xogta Dhulka ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowlad Goboleedka Puntland

18- Waxaa Xaliimo Maxamuud Cali Aadan (Jabhad) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka dowlad Goboleedka Puntland.

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynuhu, wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *