Siciid Deni oo ka hor yimid wareegtooyin uu soo saaray Axmed Karaash 

Published: April 25, 2022

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hor yimid magacaabis uu maanta sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga Siciid Cabdullaahi Deni ayuu ku yiri “Aniga oo ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka DG Puntland qodobkiisa 80-aad,  farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka DG Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Deni oo ah Musharax Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku siiyiri “Haddaba, waxa aan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland” .

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku soo beegmaya xilli uu maanta Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaas uu magacaabis sameeyay.

Axmed Karaash ayaa magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo Guddoomiyaha Degmada Laasqoray, asiga oo magacaabay 18 Agaasime oo ka mid ah Agaasimayaasha ka shaqeynayay xarumaha kala duwan ee Dowlad Gobaleedka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *