Axmed Karaash oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo

Published: April 26, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socda la filayaa in ay gaaraan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu Gaalkacyo kula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali oo isna ku sugan Gaalkacyo, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka aday kulammo siyaasadeed.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka ayuu kulammo kala duwan la qaadan doonaa madaxweyne ku xigeenku, waxaana ay ka wada hadli doonaa arrimaha taagan ee u aaddan khilaafaadka kasoo dhex-cusboonaaday hoggaanka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa dhawaan ka dhacday shaqaaqo ay ku dhaawacmeen nabaddoon Yaasiin Cabdi samad iyo Taliye ku xigeenka gobolka Mudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *