DENI iyo Dalka PUNTLAND, Khilaafka Cusub!!.

Published: April 26, 2022

Dadku sinji iyo sawrac lagu gartuu lee yahay, Soohdimo iyo kala soocnaan ayaa jirta, dalkasta oo madaxbanaan waxaa lagu gartaa dhul leh xuduud sugan, oo ay dad deggan yihiin, calan ama bandiirad lagu gartaana loo yaqaan.

Puntland waxay ka mid tahay Dhulka Soomaaliya ma ahan mid muran ka taagan yahay, Soomaaliya waxay leedahay xuduud Dowladihii hore ee Soomaaliyeed aysan aqoonsaneyn marka la eego dhulka baaxadda leh ee dalalka derisku ka haystaan, Soomaaliya waxay leedahay calan cirka midabkiisa oo xiddig caddaan ah bartanka uga taal, Soomaaliya waxay lahayd/leedahay Dowlad adduunku aqoonsan yahay.

Intaas oo dhan iyada oo ay jirto Puntland waxay hormuud u ahayd dhismihii Dowladda Federaalka, kadib qaranjabkii Soomaaliyeed Puntland way ka hor dhisantey Jamhuuriyadda labaad ee Soomaaliya, Axdigii Puntland lagu dhisey waxaa lagu qeexay soohdimaha Puntland ay dhacdo, Dastuurka Puntland ee la ansixiyey 2012, waxaa lagu qeexay DHULKA Puntland inta uu ka kooban yahay (Qodobka7aad) iyada oo Soomaaliya ku dhextaal.

Haddaba sababta loo qeexayo dhulka iyo soohdimaha Puntland ayaa ah cidda maamulkeeda loo dhaariyo in ay ilaaliso xuduudahaas, ku dhex-shaqeyso, ilaaliso midnamadeeda oo gaarsiiso adeega dowladnimada, guto waajibaadka ka saaran arrimaha Dowladda Federaalka ah, waxa dastuurka Federaalka ah siinayo ama kan Puntland.

Dastuurka federaalka marka uu ka hadlaayo xuduudaha Dowlad goboleedyada waxaa lagu xusey qodobka 49aad waxaana loo dhigey sidan:

“Xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jirey 1991-kii”

Dastuurka Puntland marka uu ka hadlaayo DALKA waxa uu u yaqaanaa waa Puntland, marka uu ka hadlaayo Soomaaliya waxa uu u yaqaanaa Dowladda Federaalka, tusaale.

Qodobka 82.2 waxay u dhigan tahay sidan:

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Xigeenku dalka kama maqnaan karaan muddo ka badan lixdan (60) beri, sabab la’aan.

Halka laga hadlaayo waa Puntland iyo xuduudka dastuurku sheegay, waa meesha loo dhaariyey ee loo doortey (DALKA la sheegaayo maaha Muqdisho ama Hir Shabeele).
Qodobada 103, 105, waxaa lagu sheegay DALKA Puntland.

Dhaarta dastuurtiga ah ee Puntland ayaa lagu xusey qoddobka 132 waxaana uu u dhigan yahay sidan:

“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.

Halkan waxaa ku cad in Madaxweyne Deni loo dhaariyey DALKA Puntland in ay tahay in uu ilaaliyo qawaaniinteeda, waxaana qodobkaani fasirayaa 82.2 ee ah DALKA kama maqnaan karo sabab la’aan.

Madaxweynihii Puntland waxa uu ku sugan yahay Muqdisho, oo ah caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka, waa halka uu doonaayo hadda in uu Madaxweyne ka noqdo, waa halka uu doonaayo in uu uga dal-doorsado Puntland haddii uu helaayo, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, ma u joogaa DANTA Puntland Muqdisho mise waxa uu u joogaa dan gaar ah iyo hawo gashey.

Marka la eego dastuurka Puntland Madaxweyne ku-xigeenku waa ku-simaha Madaxweynaha inta uu ka maqan yahay xuduudka Puntland ee dastuurku sheegay, sidaas darteed Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu qabanayaa dhamaan shaqooyinka iyo awoodaha Madaxweynaha, haddii kale dalkan waxa uu noqon mid nin garabka ku-sito, marka uu tago la tago marka uu yimaadona la soo noqdo.

Madaxweyne ku-xgeenka Puntland ahna ku-simaha xilka Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan ayaa taageero xooggan ka haysta shacabka Puntland in uu dhaqan-geliyo awoodaha dastuurku siinaayo marka Madaxweynuhu ka tallaabo xuduudaha Puntland, isaga oo aan ku maqneyn dan Puntland leedahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Wariye Su’aal: Waxaad ka hadashay Dastuurka Puntland siiba qodobada ku saabsan Xilka ku Simaha Madaxwaynaha waxaanad sheegtay in Madaxwaynuhu uusan ku maqneyn danaha Puntland Marka intaana saxnimada Oraahdaas qaldan waxba kaa waydiin Ma noo sheegi kartaa farqiga u dhexeeya Xaga Dastuurka in Madaxwaynuhu dalka uga maqan yahay danaha Puntland iyo inuu uga maqan yahay dano isaga khaas u ah ?