RW Rooble oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Geneva 

Published: April 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda JFS ee magaalada Geneva ahna ergada joogtada ah ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa halkaas kula kulmay safiiradda Soomaaliya ee Switzerland Marwo Ebyan Maxamed Saalax iyo diblomaasiyiinta safaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ku saabsan shaqada safaaradda ka dhageystay safiiradda ayaa ku bogaadiyay how-lwadeennada safaaradda shaqada adag ee ay ku matalayaan qaranka, isagoo dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ayaa waxa uu halkaas wadaa kulamo kala duwan isagoo xaley kula kulmay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *