TPFL oo isaga baxday Ismaamulka Cafarta ee Itoobiya

Published: April 26, 2022

TPLF ayaa sheegtay in jabhadaasi ay isaga baxeen gobolka dariska ah balse taliyaha booliiska Canfarta ayaa sheegay in dagaalyahanada Tigreega ay wali ku sugan yihiin qaar kamid ah degmooyinkooda.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka kooxda Tigreega (TPLF), ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters isniintii in “ciidamadooda ay ka baxeen dhamaan deegaanka Canfarta”, isaga oo intaa ku daray in uu rajaynayo in tilaabadan ay wadada u furi doonto in gargaarka cunto oo aad loogu baahan yahay gaadho dhulka Tigray.

Dhinaca kale Taliyaha booliska ee Canfarta Axmed Xariif ayaa sheegay in ciidamada Tigreega ay isaga baxeen magaalada Abala, balse ay wali ku sugan yihiin sadex ka mid ah degmooyinka gobolka ayna gacanta ku hayaan wadada wayn ee isku xidha magaalada Abala iyo caasimada Tigray ee Mekelle.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *