Turkiga oo xabsi daa’in ku xukumay Samafale lagu eedeeyey abaabulka Inqilaab?

Published: April 26, 2022

Maxkamada Turkiga ayaa Xabsi daa’in ku xukuntay nin samafale ah oo lagu magacaabo Osman Kavala oo kamid ah dad u ololeeya xaquuqul Insaanka, kaasi oo lagu eedeeyey abaabulka inqilaab xukuumada lagu sameeyo.

Guddiga saddexda garsoore ee Maxkamada ayaa sidoo kale Isniintii ku xukumay toddobo eedeysane oo kale min 18 sano oo xarig ah, iyagoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen isku daygii lagu doonayay in xukunka looga tuuro dowladda.

Xukunka ayaa ka dhashay eedeymaha ah in Kavala uu maalgeliyey mudaharaadyadii ka dhacay fagaaraha Gezi Park ee dowladda looga soo horjeeday sanadkii 2013-kii uuna door ku lahaa isku daygii afgambi ee militariga ee 2016-kii.

Kavala oo hada ku xiran xabsiga si weyn loo illaaliyo ee Istanbul ayaa xukunkan ku tilmaamay “Khaarajinta Cadaalada”.

Kiisku wuxuu hadda aadi doonaa maxkamadda rafcaanka illaa maxkamadda sare. Kavala ayaa dhinaca kale lagu waayey eedeymo kala duwan oo basaasnimo ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *