20 qof oo muslimiin ah oo lagu dilay Gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya

Published: April 28, 2022

Gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa 20 qof oo muslimiin ah lagu dilay kadib iska horimaad dhexmaray rag hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, sida uu sheegay hoggaamiyaha Muslimiita ee gobolkaasi.

See the source image

Rabshadaha ayaan la xiriira colaad ka dhacday gobolka Tigray ee dariska la ah, kuwaas oo qarxay bishii Noofambar sanadkii 2020 kuna faafay gobollada Axmaarada iyo Canfarta sannadkii hore.

Gizachew Muluneh oo ah afhayeenka maamulka gobolka Axmaarada ayaa sheegay in shilkan uu baaris ku socdo uuna dib ka sheegi doono wixii kusoo kordha.

Ilo dhanka bini’aadinimada ah ayaa sheegay in 15 qof oo dhaawac ah loo qaaday cisbitaalka Gonder, mana cadda tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay walxaha qarxa.

Sannadkii 2019-kii, mas’uuliyiintu waxay xireen shan qof oo looga shakisan yahay inay gubeen afar masaajid oo ku yaalla magaalada Motta ee isla gobolka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *