Axmed Karaash oo si weyn loogu soo dhoweey Magaalada Qardho

Published: April 28, 2022

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ahna Maaxweyne kuxigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Katkaar, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Maamulka gobolka, kan degmadda Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada ayaa soo dhoweeyey Axmed Karaash.

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne kuxigeenka oo faah faahiyay safarkiisa ayaa waxaa uu ku sheegay in uu ujeedkiisa uu yahay mid uu ugu kuurgalayo Amniga, Abaaraha iyo xaaladaha kale ee kajira Magaalada.

Safarka Kusimaha Madaxweynaha Puntland ahna Maaxweyne kuxigeenka ee Qardho ayaa kusoo beegmaya aan weli wax xal ah laga gaarain khilaafka u dhaxeeya labada mas’uul kaas oo salka ku haaya awooda dhinaca maamulka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *