Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab 

Published: April 29, 2022

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa oo soo bandhigtay mid kamid ah saraakiisha Al -Shabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq.

Sarkalkaan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Weerarada isagoona muddo 8-sano uu ka tirsanaa, wuxuuna madax u ahaa koox jabhad ah oo tira ahaan uu ku sheegay 400 oo Askari.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubooyinka iyo Baay.

Hay’adda Nabadsugida ayaa sidoo kale soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Kooxdii uu ka tirsanaa oo ay kamid yihiin 2 qoray oo AK47 & 1 beekam ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *