Mareykanka oo bogaadiyey doorashada Guddoonka labada aqal 

Published: April 29, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa sidoo kale dalbatay in si deg deg loogu xajiyo doorashada madaxweynaha.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda.”

“Waxaan boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada madaxweynaha.”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *