Doorashada kuraas uu kamid yahay kursigii Xildh. Aamina oo Jowhar loo wareejiyey

Published: April 30, 2022

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa go’aan rasmi ah ka soo saaray wareejinta kuraas deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne, kuwaas oo hadda lagu soo dooranayo magaalada Jowhar.

Labadaan kursi oo mid ay horay ugu fadhiday Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo Beledweyne lagu dilay ayaa kala ah, HOP#009 iyo HOP#135, kuwaas oo aan weli lasoo dooran.

Doorashada kursiga HOP009 ayaa 24-kii bishaan April ka dhacday magaalada Jowhar, waxaana ku guuleystay Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) isagoo ka guuleystay xildhibaankii shantii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay kursigaas, waa Sheekh Cabdisataar Cabdsalaan Sheekh Xasan Barsane.

Guddiga ayaa doorashooyinka heer federaal ayaa ogolaaday codsiyo uga yimid guddiga doorashada HirShabeelle iyo Ugaaska beesha iska leh kursiga HOP009, kuwaas oo soo jeediyey in doorashada kursigaas oo lagu qabtay Jowhar loo sharciyeeyo.

Sidoo kale guddiga FEIT ayaa qoraalkaan ku cadeeyey in arrimo amni dartood Jowhar loogu wareejiyey doorashada kursigii Marxuum Aamina Maxamed Cabdi ee HOP135.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *